Dariiqada Suufiyada oo digniin culus ka bixisay Muxaadarada uu beri qabanayo Shiikh Umal

Culimada dariiqada Suufiyada ee la baxay ahlu sunna Waljameeca oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa digniin culus ka soo saaray muxaarada uu beri galab garoonka Ing, Yariisow ku qaban doono Shiikh Maxamed Cabdi Umal.

Bayaan ka soo baxay ahlu suna ayey uga digeen dowlada Somalia iney gacan ka geysato qabsoomida muxaadaradaas, iyagoo sheegay ijn wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada ay qaadi doonto dowlada.

Waxay kaloo sheegeen in maalinta berri fasaxayaan dhammaan Dusgiyada Quraanka ee ay gacanta ku hayaan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si ay Ardayda qeyb uga noqdaan bannaanbaxa ka dhanka ah Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal berri ku qabanayo Garoonka kubadda Cagta Eng. Yariisow.

Dowlada Soomaaliya ayaa guddi ka kooban maamulka gobolka Banaadir, wasiiro iyo saraakiil ciidan u magacowday qaban-qaabada muxaaradada Shiikh Umal, waxaana laga cabsi qabaa haddii mucaadaradaas la qabto inay sababto qalalaase cusub iyo rabshado diimeed oo aan la ogeyn cawaaqibka ka iman kara, welina dowlada Somalia kama hadlin digniintan ay soo saareen dariiqada Suufiyada, warar goor dhow soo baxayna waxay sheegayaan in guud ahaan la joojiyey muxaaradarada kacdoonka Suufiyada awgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -