Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Doorashadda kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa iney ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta Maamulka Galmudug.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono doorashada kursigii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamaya labo musharax oo kala ah Maxamed Cilmi Afrax (Mideeye) iyo Cabdulahi Faarax Wehliye.

Waxaa si weyn loo xoojiyey  amaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashadda, waxaana dhamaan Dhuusamareeb ku sugan Ergadii doorashadda ka qeyb qaadan laheyd, guddiga doorashooyinka Qaranka iyo musharaxinta tartamaya.

Wixii ka soo kordha natiijada doorashadan kala soco wararkeena saacadaha soo socda insha Allaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo soo qabatay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay Xoghayihii hore ee G/Banaadir

Caydiid Ali

Madaxweynaha Finland oo aad ula yaabay hadal kasoo yeeray Donald Trump

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Dhulka oo abaabul Dagaal ka bilaabay deegaan katirsan Sh/Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---