RW Khayre oo digniin adag siiyey taliyeyaasha Booliska & Madaxda degmooyinka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha booliska, iyadoo kulankaasi ay goob joog ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yarisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Kulankan ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dheer ka jeediyey kulanka ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho, ilaalinta  hantida Ummadda iyo sare u qaadista  kalsoonida shacabka, isagoo sheegay iney si dhab ah la iskula xisaabtami doono haddii ay timaado dulduleelo xagga amniga ah.

Waxaa uu sheegay in degmadii ay ka dhacaan falal amaan daro lala xisaabtami doono, masuuliyiinta iyo saraakiisha ka howgasha, isagoo xusay in qofkii waajibaadkiisa gudan waaya uu shaqada waayi doono.

“Runtii maalin dhaweyd Madaxweynaha waad la kulanteen, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadiina, waxaana la idinka rabaa inaad dardargelisaaan,runtii Guddoomiye Yariisow waxaa laga rabaa inuu Shaqada uu ka ceyriyo guddoomiyihii Shaqaysan waayo iyo Askarigii qalad gala ama anaga ay noo soo sheegaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageeridda laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna sheegay in wada shaqeynta Shacabka, Maamulka Banaadir iyo hay’adaha amnigu uu yahay mid aad u sareeya taasina ay keentay guulo amni.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isna sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Amaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir, Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Isla xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray qaybaha Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana qaybahaasi u sharaxay waxyabaha lagu qabto Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -