Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Dhulka oo abaabul Dagaal ka bilaabay deegaan katirsan Sh/Dhaxe (Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka xogga dalka soomaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin kale ayaa taliyaha iyo xubmnaha la socday kusoo dhaweeyay deegaanka Biyo-cadde, waxa uuna taliyaha tagay xero ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin Biya-cadde.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa u tagay gobolka Shabeelaha Dhaxe abaabul howlgalo cusub oo la filayo in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka bilaabaan deegaanno katirsan gobolkaasi oo ku jira gacanta kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Biyo-cadde ayaa fariisin u ah ciidamo katirsan xoogga dalka, waxaana la filayaa taliyaha ciidanka dhulka in uu usii gudbo deegaanno kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas uu kasii wadi doono abaabulkiisa dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo shan milyan oo Dollar dul saaray Madaxa Abuukar Cali Aadan

Caydiid Ali

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray

Cabdi Cade

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab ee Magaalada Marko oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---