Kenya oo fulisay qodobkii ugu weynaa heshiiskii ay dhowaan la saxiixatay Farmaajo

Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa maanta oo Jimco ah dib u billowday, iyadoo dowlada Kenya joojisay dayuuradihii sii mari jiray Wajeer oo dhibaato badan lagu qabay.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiis todobaadkii hore ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo la fulinayo heshiiskii Madaxweyneyaasha labada dal maanta la furay duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana Muqdisho ka ambabaxday diyaarad toos ugu wajahan Nairobi

Kenya ayaa bilo ka hor mar kale soo celisay in dhamaan dayuuradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajeer si baaritaan loogu sameeyo.

Inkastoo Kenya ay sheegtay in tallaaabadaasi ay uga gol lahayd inay kaga gaashaamato khatarta Al-Shabaab haddana waxaa la aaminsan yahay iney salka ku heysay cadaadis ay dowlada Somalia ku saareysay iney ka laabato kiiska badda ee hor yaalla maxkamada ICG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -