Benjamin Netanyahu oo isaga oo xafiiska fadhiya Dacwado kala duwan lagu soo oogay

Dacwad oogaha ugu sarreeya Israel ayaa ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu kusoo oogay dacwado la xiriira laaluush, khiyaameyn iyo kaslooni lumin.

Dacwadahan ayaa waxa ay xuduntoodu tahay eedeymo ku saabsan in ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa ay qaateen dhayman, sigaar iyo khamro qiimahooda dhan yahay 260,000 oo dollar iyo hadiyado kale oo ay ku bedesheen ayaga oo fulinaya dano siyaasadeed.

Netanyahu ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu faro-gelin ku sameeyey hay’adaha sharci dejinta dalka, isaga oo matalaya laba shirkad oo warbaahineed, taasi oo uu dhaafsaday in warar wanaagsan laga baahiyo.

Waa markii ugu horreysay taariikhda Israel oo ra’iisul wasaare xafiiska fadhiya lagu soo oogo dacwado la xiriira eedeymo dambiyeed.

Netanyahu oo Israel hoggaaminayey 13 sano ayaa baaritaanka ka dhanka ah ku qeexay “isku day afgambi.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -