Deni oo kulan wadajir ah la qaatay goleyaasha Maamulka Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Deni oo khudbad ka jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay ujeedka kulanku inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah.

Wuxuu Madaxweynuhu dadka xasuusiyey dhismihii Puntland, dadaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba, wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay Alla Haúnaxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -