Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dhiiro galiyay wiil lagu soo dhibaateeyay Hargeysa (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay wiil dhalinyaro ah oo lagu soo dhibaateeyay magaalada Hargeysa.

Ciidamada booliiska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xiran si xuna ula dhaqmay Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) oo xiliga la xirayay xirnaa dharka ka sameesan Calanka Soomaaliya .

Wiilkan ayaana sababta loo dhibaateeyay loona xiray lagu sheegay in uu ku xadgudbay qaranimada Somaliland uuna gudaha magaalada Hargeysa ku xirtay dhar ka sameesan Calanka Soomaaliya.

Baraha bulshada ayaana si weyn loogu baahiyay muuqaalka wiilkan oo xiran dharka Calanka Soomaaliya oo booliiska ka xirayana gudaha Hargeysa, waxa ayna booliiska xiligaasi wiilkan ula dhaqmayeen si naceyb ka muuqday.

Madaxweyne Farmaajo ayaana wiilkan caan ku noqday jacaylka iyo qaddrinta Calanka Soomaaliyeed ku maamuusay guddoonsiinta astaanta Qaranka keddib markii uu kulan dhiirrigelin ah kula qaatay Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoy uu Muqdisho ka degan yahay Taliyaha ciidanka Haramcad oo la weeraray

Caydiid Ali

Shacabka Lughaya oo wacad ku maray iney iska ka difaacayaan Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Mss. Anita Kiki Gbeho oo booqasho ku tagtay Baydhabo & Puntland oo Mamnuucday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---