(Akhriso) Shan qodob oo ka soo baxay kulankii Farmaajo & Madasha Xisbiyada (Sawirro)

Madaxda Madasha xisbiyada Qaran ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen Waxay si buuxda ugu faahfaahiyeen Natiijada wadahadalkii Maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada.

Waxay sheegeen in kulan saacado badan qaatay ka dib kulankaas laga soo saaray shan qodob oo kala ah:-

1-Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka garaabay, raali gelinna ka bixiyey is-hortaagyadii madaxdii hore ee dalka lagu sameeyey.

2- In doorashooyinka hay’adaha dastuuriga ah oo dhan ay xiligooda ku dhacaan

3- In la ilaaliyo dastuurka, xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed

4- In hay’adaha amniga aan loo adeegsan siyaasadda, islamarkaana siyaasiyiinta aysan siyaasadeysan amniga dalka.

  1. La dagaalanka Al-shabaab in meel looga soo wada jeesto.

Waxaa jira qodobo kale oo laga wada hadlay laakiin lagu balamay in go’aano laga soo saaro kulamada dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -