Faahfaahin: Dilkii Xalane loogu geystay Elmaas Elman & Sawir-qaade la socday oo..

Saldhigga Booliska ee Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu xiray Siciid Fadhaye oo ah sawir-qaade la socday Elmaas Elman oo lagu dilay galabta xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Siciid ayaa bartiisa Facebook qoraalkan soo dhigay ” Waxaan ku xiranahay saldhiga police-ka ee Airporka Xamar, sabatana ma aqaan, intii wixii na soo weeraray raadin lahaayeen anagey nagu mashquuleen”

Siciid Fadhaye

Saciid ayaa sheegay in Elmaas ay dhabtiisa ku dhimatay markii ku dhacday rasaas gaariga ay saarnaayeen ka soo gashay xaga dambe.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira dilka maanta gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman oo ay walaalo ahaayeen Ilwad Elman, oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkanna ku jirtay dadkii loo sharaxay Abaal Marinta Caalamiga ee Nabadda ee Noble Peace Price.

Almaas oo la sheegay inay la shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midwga Yurub ayaa waxaa xabadi ay kula dhacday xilli ay saarneyd gaarigeeda oo marayay dariiqa isku xira Xalane iyo garoonka Muqdisho ee Gudaha Xalane.

Almaas ayaa waxaa kaloo ay walaalo ahaayeen Imaan Elman oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Elmaas Elman

Waxey horey ula soo shaqeysay intii u dhaxeysay sanadihii 2016kii iyo 20017kii safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Qoyskeeda ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay aabahooda Elman Cali Axmed oo 9-kii bishii March ee sanadkii 1996dii lagu dilay magaalada Muqdisho.

Faahfaahinta la xiriirta xabadda ay u geeriyootay Almaas ayaan weli kala cadeyn. AMISOM oo gacanta ku heysa amaanka Xalane ayaan weli wax war ah ka soo saarin, Sidoo kale, saraakiisha dowladda waxey sheegeen inay weli baarayaan arrintan, waxaana xabada haleeshay Elmaas su’aalo badan oo jawaabtooda looga fadhiyo ciidamada AMISOM maadaama gaariga ay la socotay uu dhexmaraayey xarunta Xalane oo ah meel aad loo ilaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -