Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah dalalka Somalia la deriska ah oo lagu arkay dad qaba Viruska Corona

Afar qof oo Itoobiyaan ah ayaa la karantiilay ka dib markii laga shakiyey inay qabaan Viruska coronavirus ee ka dilaacay shiinaha kuna baahaya meelo ka mid ah caalamka.

Afarta qof ayaa ahaa Ardey ka timid jaamacad ku taala magaalada Wuhan oo ah meesha uu xanuunkani aadka u saameeyey, kana bilowday.

Wasaarada Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in ardaydan lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurkan, ayna wadaan baaritaan lagu hubinayo iney qabaan viruska keena cudurkan.

Tirada dadka cudurkan ugu dhintay dalka shiinaha ayaa la sheegay inay hadda 106 qof gaartay, iyadoo dad ka badan 1770 lagu arkay xanuunka.

Culimada sayniska ee dalka shiinaha ayaa wada dadaalo ay ku raadinayaan macluumaad dheeraad oo ku saabsan fayraska Corono.

Dawlada ayaa go’doomisay magaalooyinka qaar, iyadoo la karantiilay, dad ka badan 50 milyan, si loo xakameeyo faafitaanka fayraskan oo la aaminsan yahay inuu ka yimaado xayawaanka duur joogta.

Sidoo kale waxaa la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee iskaga kala goosha masaafooyinka dhaadheer,si uuna ugu gudbin gobolada kale.

Dad qaba Viriskan ayaa sidoo kale lagu arkay qaar ka mid ah, dalalka Asia, Yurub iyo Woqooyiga Amerika, iyadoo saraakiisha caafimaadku ay sheegayaan, in subax kasta la arkayo dad uu si cusub ugu dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo lacag u qeybisay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Liido

Cabdi Cade

UK oo shaqsigii ugu horreeyay oo magangelyo-doon ahaa u musaafurisay dal kuyaalla Afrika

Cabdi Cade

Gudoomiye Amiir oo balan-qaad u sameeyey dhibane C/salam Axmed Xasan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---