Axmed Madoobe oo weli sii wada la xisaabtanka Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta arboco 20 – Nofeembar- 2019 warbixinta sanadlaha ah ka dhageystey wasaarada gaadiidka ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud ayaa warbixin dheer ka siiyey madaxweynaha waxqabadkooda sanadlaha ee sanadkan 2019 , caqabadaha jira iyo hiigsigooda sanadka xiga.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtey waxyaabihii ugu waaweynaa ee u qabsoomey sanadkan sida:

– Bixinta Taariko leh aaladda GIP-ka oo aan la been abuuri karin
– Bixinta shatiga wadista gaadiidka
– Hirgelinta barnaamijka nidaamka sharciyeynta gaadiidka Jubbaland oo Online ah.
– Tababarida ciidanka wadooyinka gaadiidka oo si joogto ah loo baro sharciyada wadooyinka iyo gaadiidka.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa madaxweynaha qoraal ahaan ugu gudbiyey caqabadaha jira ee loo baahanyahay in xal waara laga gaaro si ay u fududaato daadejinta iyo fulinta adeegyada dowliga ah ee loo baahanyahay inay bulshada reer Jubbaland wada gaaraan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyey wasaarada waxqabadkooda asagoo ku dhiiri galiyey inay sii laba jibaaraan kana shaqeeyaan sidii adeega wasaaradu u gaari lahaa dhamaan deegaanada iyo bulshada reer Jubbaland.

Barnaamijkan oo dhamaan lagaga dhageysanayo warbixintooda sanadlaha ah wasaaradaha, gudiyada iyo hay’adaha Jubbaland ayaa looga goll leeyahay hubinta fidinta iyo gaarsiinta adeegyada dowlad goboleedka Jubbaland bulshada ku dhaqan guud ahaan 3-da gobol ee ay ka kooobantahay Dowlad goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -