Dagaal xoogan oo ka socda Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya cida uu u dhaxeeyo

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ka socda inta u dhaxeysa Isgooska Ex-Control Afgooye ilaa xerada Ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa socda daqiiqado badan, waxa ayna ciidamada dagaalamaya isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana xaalad kala carar ah ka jirtaa halka dagaalku ka socdo.

Inta badan ganacsigii ka jiray Isgooska ex-Control Afgooye ilaa xerada Asluubta ayaa joogsaday, waxaana dadku ka kala carareen goobahooda ganacsi si ay naftooda ula baxsadaan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dagaalamaya yihiin ciidamo booliis ah iyo ciidamo katirsan Asluubta, laman aoga wali cida rasmiga ah uu dagaalka u dhaxeeyo iyo sababtay keentay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe insha Allah

- Advertisement -