Duqa Muqdisho oo amray in maalmo gudahooda laga baxo dhul kuyaala Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa amar ku bixiyay in dadka degan ka baxaan dhul ay laheyd kooxda Minishiibiyada oo kuyaala degmada Warta Nabada.

Cumar Filish ayaa shalay kormeer dhiiro galin ah ugu tagay garoonka kooxda kubada cagta Muqdisho City Clup oo kuyaala degmada Warta Nabada , waxa uuna kooxda ku booriyay in ay xoojiyaan diyaar garowga ay ugu jiraan tartamada kala duwan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa kormeerka kadib amar ku siiyay dadka shacabka ah ee degan dhulkii minishiibiyada in ay si deg deg ah u baneeyaan, waxa uuna u qabtay dadkaasi degan dhulka Minishiibiyada in ay uga baxaan inta bishan ka dhiman.

”Waxaa noola sheegay in dad dhisteen garoonkii Basket Ball-ka iyo baarkii minishiibiyada , waxaana u qabaneynaa dadkaasi degan in ay ku baneeyaan dhulkaasi ilaa 1-da bisha December, dadkaasi dhulka nagaha heysan ee waa noo hayeen” ayuu yiri Cumar Filish.

Amarkan kasoo baxay Duqa Muqdisho ayaan la ogeyn sida uu u fuli doono, waxaana marar badan aan la fulin amaro horey uga soo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadanaa in laga baxo dhulal dan guud ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -