Ukraine oo sheegtay iney ciidankii ugu badnaa ka leysay milateriga Ruushka (Sawirro)

Ukraine ayaa sheegtay in tiro badan oo ciidanka Ruushka ka tirsan lagu dilay dagaalka koonfurta ka socda.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay dileen askar badan oo Ruush ah dagaal ka dhacay koonfurta, oo uu ku jiro gobolka Kherson oo ah halka ay diiradda u saaran tahay weerarrada ka hortagga ah ee Kyiv.

Tareenada Kherson ee dul mara wabiga Dnipro waa la gooyay, taliska koonfureed ee milatariga ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay sii go’doomiyaan ciidamada Ruushka.

Saraakiisha difaaca iyo sirdoonka ee Britain, oo ka mid ah xulafada Ukraine ee reer galbeedka tan iyo duulaankii Moscow 24-kii Febraayo, ayaa ciidamada Ruushka ku tilmaamay kuwo la halgamaya sidii ay u sii wadi lahaayeen dagaalka.

Ukraine waxay isticmaashay hababka gantaalaha riddada dheer ee ay bixiyeen reer galbeedka si ay si xun u burburiyaan  buundooyinka Dnipro toddobaadyadii la soo dhaafay

Ku xigeenka koowaad ee golaha deegaanka Kherson, Yuri Sobolevsky, ayaa u sheegay dadka deegaanka inay ka fogaadaan goobaha rasaasta Ruushka.

“Ciidanka Yukreeniyaanka ayaa ku sii qulqulaya Ruushka, tanina waa bilow,” Sobolevsky ayaa ku qoray barnaamijka Telegram.

Maamulka Ruushku ku sameeyey dhulalka la haysto ee koonfurta Ukraine ayaa laga yaabaa inay isku diyaarinayaan inay qabtaan afti sadweyne oo la xiriirta ku biirista Ruushka dabayaaqada sanadkan, waxayna.

 

- Advertisement -