IBS Bank oo loo aqoonsaday Bangiga ugu fiican Soomaaliya (Daawo Sawirro)

IBS Bank oo ka mid ah Bank-gi yada dalka ugu waa weyn ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bank giga ugu wanaagsan sanadka (BANK OF THE YEAR AWARD) ee ay bixiso Somali Night Awards.

Bank-giga caalamiga ah ee ( IBS Bank ) waa Bank-gii ugu horeeyay ee baxsha adeeg Bankgiyeed oo caalami ah dhameystiran ee laga furo Somalia,

Xaruntiis dhexe waxay ku taala Caasimada Moqdisho ee Soomaaliya, waxaana la aas- aasay Sanadkii 2013, waxaana la daahfuray 2014 wuxuuna aqoonsi buuxo ka heystaa hay’adaha Maaliyadda dalka waxa uuna xIriir iyo wada shaqeyn wanaagsan la leeyahay Bank-giyada Caalamka.

Mudadii uu jiray Bank-giga waxa uu soo kordhiyey adeegyo caalami ah sida adeegyada Kaararka caalamiga ah ee VISA Card Iyo Mastercard kuwaasoo lagu isticmaali karo dhamaan ATM-yada Bank-giyada kale ee aduunka iyo Internet-ka, sidoo kale waxa uu soo kordhiyey adeeg casriga ah ee IBS Mobile Banking kaasoo aad ku maamulan karto Akoonkaaga IBS sido kalena aad lacagtaada uga dirsan karto dhamaan Akoonada kale ee aad ku leedahay Bank-giyada kale ee dalka.

Adeegyada kale ee uu so kordhiyay IBS Bank waxaa ka mida adeegyada maalgalinta sida maalgalinta ganacsatada waa weyn iyo dhismaha guryaha, Adeegyada maalgalinta ganacsatada yar yar iyo Mashaariicda.

Bank-giga wuxuu kaloo baxshaa Adeega lacag dirista caalamiga ah(SWIFT Service) oo ah adeeg u sahalaya ganacsatada dalka in ay lacag u diri karaan loogana soo diri karo dhamaan dalalka aduunka.

IBS Bank wuxuu in ka badan 10 Xarumood uu ku leeyahay magaalada Muqdisho sido kale waxa uu Xarumo ku leeyahay Gobalada dalka sida Kismaayo, Baydhabo, Baledwayne, Galkacyo, Garawe Iyo Bosaaso, wuxuu kaloo xarun Ku leeyahay caasimada Somaliland ee Hergaysa

Bank-giga caalamiga ee IBS Bank waxa uu horey ugu guuleestay abaalmarino waa wayn, 17August 2022 waxaa mar kale la gudoonsiiyey abaalmarinta bangiga ugu wanaagsan sanadka ee guud ahaan dalka oo ay bixiso Somli Night Awards (SNA2022).

Wixii Faahfahin ah kala xirii

Somaliland: +252 637 774 444 / +252 657666651
https://wa.me/252613744444
https://www.facebook.com/IBSBankSo
https://www.instagram.com/ibsbankso/

https://www.youtube.com/ibsbankso

- Advertisement -