Faahfaahin: DF & Madasha Xisbiyada oo xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Masuuliyiin ka kala socday dowladda Federaalka Somalia iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xalay saqdii dhexe kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loogu gogol xaarayey shirka la filayo in maalinta Arbacada Muqdisho ay yeeshaan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo hogaanka sare ee dowlada.

Warar laga helay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirka xalay looga hadlay diyaarinta ajandayaasha shirka ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif.

Mucaaradka waxaa kulanka xalay ku metelayey Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran halka dowlada federaalka uu uga qeyb galay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo markii hore furay jidka wadahadalada labada dhinac.

Shirkan ayaa daba socda kulankii jimcihii dhexmaray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif kaasoo looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac iyo sidii looga wada hadli xalinta tabashada madaxdii hore ee ku aadan xanibaad kooban oo lagu sameeyey safari ay tagayeen magaalooyin ka tirsan dalka gudihiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -