Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo loo qaaday dalka dibadiisa (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa tababar dheeraad ah loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana ciidankan garoonka diyaarada Aadan Cadde kasii sagootiyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ( Amar-dambe) ayaa ciidankan loo qaaday dalka Turkiga kula dar daarmay in ay kasoo faa’iideestaan tababarka ay soo qaadanayaan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ciidankan looga baahan yahay marka ay tababarka soo dhameestaan in ay howl adag qabtaan gacana ka geestaan sidii xasiloonida dalka loo soo celin lahaa loogana xureyn lahaa dalka xoogaga dowlada kasoo horjeeda.

Ciidankan cusub ee maanta tababarka loogu qaaday dalka Turkiga ayaa kusoo aadaya xili maalmo kahor Muqdisho lagu soo celiyay ku dhawaad 500-askari oo katirsan ciidanka kumanadooska kuwaa oo dalka kusoo laabtay kadib tababar ay Turkiga kusoo qaateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -