Donald Trump oo aad ula dhacay Muuqaal uu u daaray Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu abuuray xiisad intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka ka dib markii uu xubnaha Aqalka Sare iyo Trump uu u daaray muuqaal ka dhan ah Kurdiyiinta, sida warbaahinta dalkaas ay ku warramayaan.

Arbacadii, Mr Erdogan wuxuu muuqaalka ka daaray iPad-kiisa, xilligii uu socday kullanka oo Aqalka Cad ka dhacay, kaas oo ay ka qeybgaleen xubno taageersan Kurdiyiinta.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu aad ula dhacay muuqaalka, sida goobjoogayaal ay u sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay, Mr Trump wuxuu si ballaaran ula kulmay dhalleeceyn la xiriirtay ciidamada Mareykanka oo uu ka soo saaray gobollada xuduudda saaran ee Suuriya.

Kurdiyiinta oo ay hoggaaminayaan Xoogagga Dimuquraadiga ee Suuriya, (SDF) – kuwaas oo taageero ka helayay Mareykanka – waxay door muhiim ah ka qaateen dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Xubnihii ka qeybgalay kullankii Arbacadii waxaa ka mid ahaa Lindsey Graham, Ted Cruz, Rick Scott, Joni Ernst, iyo Jim Risch.

Dhammaan shantaas waxay si aan cadi ahayn u cambareeyeen tallaabadii Erdogan ee bishii October uu ku weeraray Kurdiyiinta dhanka Suuriya. Arrintaas waxay daba socotay go’ankii Trump ee ciidamada uu uga saaray halkaas.

Turkiga wuxuu dagaalyahannada Kurdida u arkaa argagixiso, wuxuuna sheegay in uu doonayo in goobta laga dhigo “aag nabad ah” oo dib loo dejiyo qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga.

Mr Erdogan waxaa la sheegay in uu aaminsanaa in aragtida xubnahaas uu ku bedeli karo muuqaalka gaaban, balse dhammaan kooxda way ka diideen arrintaas.

Ka dib fiidiyowga, Mr Graham wuxuu Erdogan weydiiyay haddii uu doonayay “in uu dib ugu noqdo Kurdiyiinta oo wax laga soo sameeyo wixii aad sameysay”. Taas waxay sababtay dood kulul. Qof goobjoog ahaa kullanka ayaa sidaa u sheegay Barta wararka ee Axios, taas oo ugu horeysay tabinta warkan.

Mr Trump, si weyn ugama qeybgalin doodda iyadoo xubnaha kale ay isu dhiidhiibeen hadalka doodda ee Erdogan ay la galeen.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu sheegay Arbacadii, in uu “taageero wayn” u yahay Erdogan. Sidoo kale, wuxuu horey u sheegay in Kurdiyiinta “aysan ahayn malaa’ik”.

Madaxweyne Trump ayaa casuumay xubnahan Aqalka Sare ka tirsan si ay Erdogan ula sheekeystaan ayna uga dhaadhiciyaan in uu joojiyo hubka uu ka iibsado Ruushka, dad ka tirsan maamulka ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

Turkiga waxaa loogu hanjabay cunna-qabateyn, haddii uu sii wado hannaanka difaaca hubka ee Ruushka uu ka soo qaadanayo.

Xubnahan waxay sheegeen in aysan ogolaan doonin in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka laga iibiyo Turkiga, haddii Erdogan uu sii wado in uu qalab casri oo dagaal uu ka soo gato Ruushka.

Ka dib kullankaas, Mr Cruz wuxuu soo saaray warbixin uu ku sheegay in markasta uu Turkiga u arki jiray “Xulafo aad u dhibbadan, balse hadda uu yahay xulafo, wuxuu doonaba ha ahaade”.

“Iyadoo muhiim ay tahay in aan xulafo la ahaano Turkiga si loo sii joogteeyo danaha amni ee Mareykanka, haddana lama aqbali karo duullaanka Turkiga ee ka dhanka ah xulafadeena Kurdiyiinta oo tariikh dheer u leh in ay Mareykanka ka taageeraan la dagaallanka cadowgooda”.

Mr Graham “si adag” ayuu u diiday “hadalka Turkiga ee ah in dhibaato weyn ay gaarsiiyeen IS”, sida uu u sheegay Axios, isagoo magac kale u adeegsaday ururka IS.

“Waxaan doonayaa in Turkiga uu ogaado in 10,000 oo SDF ah, oo Kurdiyiin u badan, ay ku dhinteen, ku dhaawacmeen ama dhibaato ay ka soo gaartay dagaalka IS, Mareykankana ma illaawi doono, mana dayici doono.”

Source-bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -