Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil Imaaraatka u dhashay oo boorsooyinkooda ka qaatay deegaanada Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta garoonka diyaaradaha magaaladaasi ay isaga dhoofeen saraakiil tababarayaal ah oo u dhashay dalka Imaaraatka.

Saraakiishan oo maanta damacsanaa in ay ka dhoofaan garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa mudo saacado ah lagu xanibay garoonka, kadib markii ay diideen in ay la baaro boorsooyinkii ay wateen.

Ciidamada amaanka maamulka garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa xanibay saraakiishan Imaaraatka oo ahaa kuwii tababarayay ciidamada maamulka Puntland ee maalgalinayeen dowlada Imaaraatka.

Masuuliyiin iyo saraakliil katirsan maamulka Puntland ayaa markii dambe xaliyay xanibaada la saaray Saraakiisha Imaaraatka ee diiday in la baaro boorsooyinkooda, waxaana markii dambe Diyaaradii ay la socdeen saraakiishan ka duushay garoonka Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay diideen in Saraakiisha Imaaraatka Markab taagan Dekadda Boosaaso ku qaataan  Garaawida aan Rasaasta Karin ee Bulet Proof-ta loo yaqaan,Sanaadiiq Rasaas ah iyo Saanad kale oo Milatari.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in Ciidamada Imaaraaka Tababareen ay toos ula wareegeyso Wasaarada Gaashaandhiga, waxa ay sidoo kale dowlada sheegtay in uu dhamaaday qandaraaskii Imaaraatka ku tababarayeen Ciidanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka nin uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowlada oo la diiday in la aaso

Caydiid Ali

Puntland oo ka hadashay duqeyn hal qoys lagu laayay oo xalay dhacday

Cabdi Cade

Daawo:-Xaliimo Yareey oo qaylo dhaan xoogan kasoo yeertay & Al Shabaab oo laga sheegay Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---