Beesha caalamka oo War ka soo saartay heshiiskii Madaxda Somalia iyo Kenya (Akhriso)

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu soo dhoweeyey heshiiskii magaalada Nairobi ay maalmo ka hor ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu yahay tallaabo qiime leh oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Kenya iyo Somalia.

“Waxaan soo dhoweynaynaa dadaalada ay labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal, uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee bariga Afrika,” ayaa gu yiri bayaanka.

Waxaa bayaankan soo saaray ururada caalamiga ah iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia oo ay ka mid yihiin UNSOM, Maraykanka, AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, OIC, Sweden, Turkey iyo Uganda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -