Madaxweyne caan ah oo u hanjabay dalalka Yurub, labo biloodna u qabtay

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa laba bilood u qabtay dalalka Yurub si ay u bad-baadiyaan heshiiskii 2015-kii laga gaaray Nukliyeerka dalkiisa.

Rouhani ayaa si kastaba ka digay in Tehran ay diyaarineyo xadgudubyo kale oo dheeri ah oo ay ku sameyso heshiiska kuwaas oo yeelan doono “saameyn aan caadi ahayn”

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska.

Sarkala sare ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska haddii lacagtaas dayn ahaan loo siiyeo, ama looga iibsado saliid, halka taleefishinka dowladda ee Press TV uu sheegay in Tehran ay diiday yabooha Midowga Yurub.

Iran ayaa ka baxday sanado badan oo go’doon dhaqaale ah, kadib markii ay heshiiska la gaartay quwadaha caalamka, sanaddii 2015, ayada oo dhaafsaneysa in cunqabateenada laga qaado, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baxay heshiiska sanadkii tagay, dibna usoo rogay cunaqabateenada.

Rouhani ayaa ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto tallaabooyin dheeri ah shanta bishan haddii Faransiiska iyo dalalka ee Yurub ee heshiiska qeybta ka ahaa ayasan in ku filan ka difaacin Iran xayiraadaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -