Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay garaash ku yaalla Muqdisho

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay qarax galabta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmadaas.

Qaraxa ayaa ka dhashay miino lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo ku jiray garaash ku yaala xaafada Kaawo-godey sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Mid ka mid ah labada qof ee ku geeriyooday qaraxa ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada oi isku dayayey inuu miinada ka furo gaariga sida dad goob joogayaal ah ay ku warameen halka qofka labaadna uu ahaa nin shacab ah oo marayey garaashka hortiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa guri ku dhegan garaashka oo qaraxu uu saameeyey, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka, iyadoo maamulka degmada uusan ka hadlin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari ka tirsan ciidanka DF oo toogasho ku dilay gabar uu Jaceyl kala dhexeeyey

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Digniin diray kaddib arrin dhacday

Cabdi Cade

(Akhriso) Amar uu soo saaray Cali Jeyte oo maanta ka dhaqan galay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---