Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia oo Saraakiil u Magacaabay xilal cusub (Akhriso)

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Xilal u cusub u magacaabay Saraakiil ka tirsan ciidankaas.

Wareegto ka soo baxday taliyaha ayaa lagu xilal cusub loogu magacabay sadex ka mid ah saraakiisha Booliska oo kala ah

1) G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha Akedeemiyada Gen.Kaahiye

2) G/lle Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Booliska garoonka Aadan cadde.

3) G/lle Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista ee ciidanka Booliska.

Saraakiishan ayaa la faray iney si dhaqsi ula wareegaan xilalka cusub ee loo magacaabay iyo taliyeyaasha iyo hoganada Booliska la faray iney waajibaadkooda gacan ku siiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo kulan aan Caadi aheyn la yeeshay Guddiga joogta ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Xaaskiisa ugu Hanjabay in uu Furayo Kadib markii ay ku biirtay Xisbi kale !(Sawiro)

Cabdi Cade

Qadar oo ka laabatay Go’aan dad badan layaabeen oo ay horey u qaadatay !!

admin
Taboola Ads ---