Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ciidan oo lagu toogtay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo ninkii dilay oo..

Nin hubeysan ayaa maanta ku dilay Magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Siisii ee degmada Yaaqshiid, iyadoo dad goob joogayaal ah ay sheegeen in nin bastoolad ku hubeysan uu rasaas ku furay Xiddigle Xasan Ceefow oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga xili uu ku sugnaa qeybo ka mid ah xaafadaasi.

Hase ahaatee ciidamada amaanka oo ku sugnaa meel ku dhow goobtaas iyo dad shacab ah ayaa eryaday ninka hubeysan ee dilay sarkaalka.

Ciidamada amaanka ayay wararku sheegayan iney ugu dambeyn ku guuleysteen iney dilaan ninka hubeysan ee dilka geystay iyagoo ka qaaday bastooladii uu wax ku dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

MSF: “Askarta Israa’iil ayaa Isbitaalka Jenin ku dhex dilay ilmo aan hubaysnayn”

Caydiid Ali

Somaliland oo shaacisay in Ciqaab xun Muqdisho lagu marsiinayo Shan nin oo ku eedeysan dilkii…

Cabdi Cade

Golaha Wasiirda DF oo anxiyey heshiis lala galay Tanzania

Caydiid Ali
Taboola Ads ---