Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo kulan aan Caadi aheyn la yeeshay Guddiga joogta ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  kulan deg deg ah la yeeshay golaha joogtada ee golaha Shacabka.

Kulankan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta guddoomiyaha golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala golaha Shacabka  kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla-markaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka ee berri furmaya golaha Shacabka ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

Kulankan aan caadiga aheyn ee yeesheen guddoonka golaha Shacabka iyo guddiga joogta ee golaha ayaa kusoo aadaya, xilli shirkii golaha Wadatashiga Qaran ku yeesheen Muqdisho la isku raacay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay wada shaqeyn la’aanta ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOM?

Caydiid Ali

AMISOM oo ka hadashay xayiraadii Gudoomiyaha aqalka sare ee Garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada Macalimiinta Kenyanka ah ay dileen Al Shabaab oo la shaaciyay (Waa Imisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---