Fahad Yaasiin oo kulan xasaasi ah la qaatay Shiikh Shariif & Xog laga helay

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid maalmahanba la qorsheynayey ayaa ka dhacay hoyga Shiikh Shariif uu ka degan yahay Muqdisho, waxaana lagu falanqeeyey xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay xanibaadii Shiikh Shariif iyo xubno kale loogu geystay garoonka Aadan cadde.

Ilo ku dhow kulankan ayaa sheegaya in agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu ka dalbaday Shiikh Shariif inuu xaalada dejiyo, isla markaana laga wada hadlo waxyaabihii dhacay iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Shiikh Shariif ayaa la sheegay inuu aqbalay in xiisada la qaboojiyo, waxaana loo balamay kulamo kale oo laga yeelan doono sidii loo sixi lahaa qaladaadka dhacay, waxna looga qaban lahaa tabashada uu qabo Shiikh Shariif, iyadoo kulanka oo dhacay xalay saqdii la dhexe uu ku soo dhamaaday jawi isafaham.

Dowlada Somalia ayaa bilowday sida muuqata dedaalo lagu dejinayo xiisada ka dhalatay carqaladii Shiikh Shariif Shiikh Shariif iyo xubno la socday ka qabsatay booqashadii Belad-weyne taasoo keentay in Shariifku uu ku dhaarto dowlada inuu Xamar ka saarayo hadii ay dhibaatada ka joojin weyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -