UNSOM oo dhaqaale ugu deeqday dadka ku barakacay fatahaadaha Somalia ka dhacay

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Dollar ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun qof oo ay saameeyeen fatahaadaha.

Isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF) iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ayna Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo laalaabtay.

Adam Abdelmoula ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hoy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo adeegyo kale oo lagama maarmaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -