Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xildhibaano go’aan adag ka soo saaray dhismaha Golaha Deegaanka Hirshabelle (Akhriso)

Xildhibaanada Beesha Baadicade ku matala Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan lahaa ayaa go’aano adag kasoo saaray dhismaha Golaha Deegaanka Hirshabelle.
Halkan ka Akhriso War Saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada
KU: Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
KU: Wasaaradda Dib-u- hishiisiinta iyo dib-u-dejinta
KU: Center for Research and Dialogue (CRD)
KU: Somali Stability Fund (SSF)
KU: Finish church aid (FCA)
OG: Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
OG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
OG: Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
OG: Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka iyo Dib U heshiinta JFS
     Ujeedo: BAAQ DIIDMO KU AADAN DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA EE DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE 
Xildhibaanada Beesha Baadicade  ee ku matala Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxa ay Shirar iyo kulamo la yeesheen Siyaasiyiinta,Odoyaasha,Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada,Waxgaradka, Dhaqanka iyo qeybaha Bulshada ka dib safar ay ku tageen Degmooyinka ay daggantahay Beesha, waxa ayna dhageesteen cabashooyin ay qabaan oo ku aadan Dhismaha Golaha Deegaanka.
 Kadib markii aan aragnay arimaha ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ay wadaan Madaxde Sare ee Maamulka Hirshabeelle iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose kuna saabsan Dhismaha Golaha Deegaanka ee labada Gobol Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, Xildhibaanada Beesha Baadicadde heer Maamul-Goboleed waxaa ay ka digayaan in xiligaan aan laga sameyn karin Gole Deegaan Degmooyinka ay deggantahay Beesha Baadicadde sida Degmada Jowhar, Mahadaay, Jalalaqsi, Buula Burte iyo Degmada Baladweyne.
Kadib markii ay cadaatay in Madaxda Hirshabeelle ay garab mareen hanaanka Dhismaha Guddiyada Madaxa banana gaar ahaan Gudiga dib u heshiisiinta iyo is dhex galka Bulshada kuna xusan dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cutubka Afaraad: Qodobka 61aad, faraqada 4-aad Xarafka F iyo Gudiye kale oo muhiim u ah dhismaha Golayaasha.
Sidaas darteed, Sababaha ay Xildhibaanada Beesha Baadicadde ku diideen hanaanka guracan ee hadda socda ayaa waxaa ka mid ah:
1. Guud ahaan degmooyinka labada Gobol ee Hirshabella uu ka kooban yahay waxaa ka jiro amni daro baahsan, waana go’doon inta badan.
2. Beesha Baadicadde ma ka fileysa, kumana qabto Kalsooni iyo Caddaalad in ay sameynayaan madaxda ugu sareysa maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
3. Dib u heshiin dhab ah kama dhicin, lamana sameynin Gudiyaddi howlahaan ka shaqeyn lahaa sida isu keenista beelaha wada dego Hirshabeelle si ay ugu heshiiyan dhibaatooyinkii laga dhaxlay intii ay socdeen dagaalada sokeeya.
4. Awood qeybsiga beelaha lagama heshiin sidii ay hab caddaalad ah wax ugu qeybsan lahaayeen si loo dhiso Gole Deegaan oo xalaal ah.
Hadaba, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle  waxaa aan uga digeynaa inuu ka shaqeeyo caddaalad daro, iyo dhibaato hor leh oo ka dhex dhalata dadka deggan Gobolda iyo deeganada aan kor ku soo sheegnay.
Sidoo kale Hay’adaha caalimiga ah ee ku howlan dhismaha golaha deegaanka sida, center for research and dialogue (CRD), finish church aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah sida Soyda (LNGO), waxaan uga digaynaa in ay soo fara geliyaan arimaha Degmooyinka ee aan weli ka dhicin dib u heshiisiin dhab ah, mana ka jirin hanaan awood qeybsi oo xalaal iyo cadaalad ku salaysan.
Saxiixayaasha Baaqaan ku aadan diidmada dhismaha Golaha deeggaanka Hirshabeelle. 
1. Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Cumar (Wadaad yare)____________
2. Xildhibaan Aadan Odowaa Cumar____________
3. Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur (Cirfiid) ____________
4. Xildhibaan Cabdiladhif Maxamuud Cabdi____________
5. Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim ( Daqare)____________
6. Xildhibaan Bashiir Geesey Abiikar (islow Geeseey)____________

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed

Cabdi Cade

Iran oo Ceeb laga naxo ku tilmaantay go’aan ay soo saartay Q/Midoobay (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada Guddi cusub oo maanta loo saaray Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---