Abiy Axmed oo si cajiib ah uga Jawaabay Daciifnimado dowladiisa lagu eedeeyay

Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed oo hortagay kulan aan caadi aheyn ee yeesheen Baarlamaanka dalkaasi ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo xaalada dalka ku sugan yahay ka weediiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Abiy Axmed oo la weediiyay su’aal aheyd in dowlada ay si daciifnimo ah u dhaqmeyso ayna xaalada sii xumaaneyso ayaa si cajiib ah uga jawaabay su’aashaasi, waxa uuna cadeeyay in aysan daciifnimo u dhaqmeyn balse u turayaan shacabkooda.

“Fikirkaasi waa mid aad u khaldan maxaa yeelay labada aabbe kan ubadkiisa garaaca iyo kan ilmahiisa sida qof weyn ula dhaqma ee waaniya waxay dadku aabba wanaagsan u yaqaannaan kan ilmahiisa garaaca ee laga cabsada, runtii fikirkaasi ma aha mid saxan. dowladda aan aniga hoggaamiyo ma aha dowlad daciif ah oo ka naxeyso shanqar kasta oo yeerta.”

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dowladiisa dhagaha ka fureesaneyso wararka aan saxda aheyn ee la baahinayo, waxa uuna tilmaamay in dowladiisa ku mashquulsan tahay horumarinta dhaqaalaha .

“Dowladdeyda wararka ku tiri ku teenta ah intey ku mashquuli lahayd waxay xoogga saartay sidi ay dhaqaalaha dalka u kobcin lahayd mashaariicda qabyada ahna loo dhammeystiri lahaa, kuwa dhammeystirmayna loo howlgelin lahaa” ayuu yiri Abiy.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mudadii uu xilka hayay waxaa gudaha dalka Itoobiya ka dhacay dagaalo iyo isku dhacyo kala duwan, waxaana dowlada lagu eedeeyay in si jilicsan u dhaqmeyso ayna xaalada faraha kasii baxeyso.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -