Xildhibaanada Puntland oo telefanada dansaday iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa

Inta badan xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa telefenadooda hawada ka saaray ka dib markii ay dhamaatay codeynta Madaxweynaha cusub ee maamulkaas oo loo doortay Saciid Deni.

Xildhibaanada oo lacago fara badan ka helay musharaxiinta ku loolamayey doorashada ayaa telefanada ka dansaday dad isugu jira ehelo iyo asxaab kale oo lacago weydiisanaya.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa ka dhuumanaya qaar ka mid ah Musharaxiintii looga adkaaday doorashadii maanta ka dhacday Garoowe oo ay lacago ka cuneen si ay codkooda u siiyaan.

Musharaxiinta qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanadu ay ka qaateen lacago fara badan si ay u doortaan balse ay qiyaaneen.

Sidoo kale, dad isugu ehelo, asxaab iyo musharaxiin ayaa baadi goobaya xildhibaanada Puntland, iyagoo ka raadinayo goobo ay ku tuhunsan yihiin sida hotelo iyo guryo ku yaalla magaalada Garoowe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay xildhibaanada Puntland ayaa lacag xoog leh oo laaluush ah ka cunay qaar ka mid ah musharaxiinta, waxaana inta badan xildhibaanadu ay heleen lacago gaaraya $100 kun oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -