Wasiir Cawad oo ka Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Wasiir Monica Juma

Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka hadlay kulankii maanta magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawad in kulanka labada Madaxweyne looga hadlay arimo muhiim ah ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo soo celin lahaa xiriirkii diblumaasiyadeed oo mad madow ku jiray mudooyinkii ugu dambeeyay.

Wasiirka oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sidoo kale wax laga weediiyay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Dibedda Kenya Monica Juma oo sheegtay in Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in muranka badda lagu xaliyo qaab labada dhinac wada ogolyihiin.

Cawad ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta kulankooda  iskula qaateen in Kiiska Badda loo daayo Maxkamada Cadaalada Adduunka ee ICJ ee fadhigeedu yahya dalka Hollland.

Waxa uu sheegay wasiirka in hadalka kasoo yeeray Monica Juma aysan meesha ku jirin, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in dadku dhageestaan hadalada labada Madaxweyne kuna qancaan.

”Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale ka meer meeray in uu ka jawaabo su’aal la xariirtay in labada dal kawada hadleen dacwadii dhawaan dowlada Soomaaliya ka gudbisay Kenya ee ku aadaneyn xanibaadii dhinaca socdaalka iyo ka qeyb galkii caleemo saarkii Axmed Madoobe.

Hadalka Wasiirka arimaha Dibedda Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa galabta Wasiirka arimaha Dibedda Kenya sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in muranka badda looga heshiiyo qaab wada ogol ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -