Ivanka Trump oo iska diiday Xil weyn uu Aabaheed la doonayay !!

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykakan ee Ivanka Trump ayaa sheegtay in ay iska diiday dalab aabaheyd uga yimid oo ahaa in ay qabato xilka Madaxa Bangiga Aduunka.

Waxa ay sheegtay Ivanka Trump in aabaheed usoo bandhigay uuna weediiyay in dooneyso in ay qabato xilka Madaxa Bangiga Aduunka, waxa ayna Ivanka cadeesay in aabaheed u sheegtay in aysan dooneyn.

Madaxweyne Donlad Trump ayaa dhankiisa u sheegay Wargeyska The Atlantic in gabadhiisa Ivanka oo ku wanaagsan xisaabta uu weediiyay in  dooneyso xilka ugu sareeya bangiga Aduunka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka in gabadhiisa ka diiday in ay noqoto Madaxa Bangiga aduunka una sheegtay in ay ku faraxsan tahay shaqada ay hada heyso oo ah lataliyaha Madaxweynaha.

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in gabadhiisa la damcay xilal kale oo muhiim ah ay kamid aheyd danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay , waxa uuna sheegay in looga digay in uu eex sameeyo una magacaabo gabadhiisa xilkaasi.

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa la sheegay in ay ku lug laheyd soo xulista madaxa cusub ee Bangiga Aduunka oo loo magacaabay David Malpas oo u dhashay dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -