Haweeney Caan ku aheyd xanaaneynta Maroodiga Kenya oo geeriyootay (Daawo Sawirro)

Haweeney caan ku aheyd xanaaneynta Maroodiyaasha gaar ahaan kuwa waaridkooda la waayay ee kunool dalka Kenya ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka iyada oo jirta 83-sano.

Daphne Sheldrick oo ku dhalatay dalka Kenya ayaa inta badan nolosheeda ku bixisay xanaaneynta Maroodiyaasha, waxa ayna caawisay oo meel ku heysay in ka badan 200- oo maroodi ah.

Maroodiyaasha haweeneydan ay xanaaneysay ayaa waxaa ku jiray qaar yar yar oo waalidkood u dhinteen abaar iyo kuwa ay dileen kooxaha ugaarsada maroodiga, waxa ayna haweeneydan sameesay hab ay caano ku siiso maroodiyaasha yar yar.

Haweeneydan ayaa aas aastay hay’ad ay ninkeeda dhintay ugu magac dartay David Sheldrick Wildlife Trust (DSWT, oo duurjoogta qaabilsan, waxa ayna Hay’adan ka shaqeysay  badbaadinta iyo isdhexgalinta maroodiyaasha agoonta ah iyo duurjoogta kale.

Dame Sheldrick waxay daabacday dhowr buug waxayna sidoo kale kasoo muuqatay barnaamijyo TV-yada laga baahiyey iyo filimaaan, waxaana kamid ah filim taxane ah oo lagu magaabo Born to be Wild.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -