Maxaa ka jira inuu iscasilay guddigii doorashada Madaxweynaha K/Galbeed? (Akhriso)

Guddiga doorashada Madaxweynaha cusub vee dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa beeniyey iney is casileen.

Hadalka guddiga ayaa yimid ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey warqad la sheegay iney ka soo baxday guddigaas taasoo ay sheegayaan iscasilaadooda.

Guddiga ayaa sheegay in warqadaas ay tahay mid la been abuuray oo aan iyaga ka soo bixin, waxayna xuseen in jadwalka doorashada aysan waxba iska bedelin,  lana qaban doono 19-ka bishan sida ay horeyba u shaaciyeen.

Hadalka ka soo baxay guddiga ayaa ku soo aadaya xili rabshado culus ay maalintii labaad ka socdaan magaalada Baydhabo kuwaasoo looga soo horjeedo xariga Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagan doorashada Koonfur galbeed.

Inkastoo guddiga doorashadu uu ku adkeysanayo in doorashadu ay dhaceyso xiligii ay u qabteen ayaa hadana rabshadaha ka socda magaaladaas waxay shaki gelinayaan sida doorasho ay magaaladaas uga dhici karto 19ka bishan oo shan cisho ay naga xigto, sida ay aaminsan yihiin siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada Koonfur galbeed.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -