(Sawirro) Mustafe Cagjar oo casho sharaf u sameeyey Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa caawa casho sharaf u sameeyey wafdigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo maanta booqasho ku tagay Magaalada Jigjiga.

Waxaa kale oo casho sharaftaas ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowlad degaanka Soomaalida iyo xildhibaano guddoomiye Mursal ku wehliyey safarkiisa.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo munaasabadaas ka jeediyey khudbad ayaa uga mahad celiyey maamulka iyo shacabka degaanka Soomaalida sidii diiraneyd ee loogu soo dhoweeyey Jigjiga, isagoo amaanay amniga iyo horumarka ka jira degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa isna sheegay in maamulka iyo shacabka degaanka ay ku faraxsan yihiin booqashada Gudoomiye Mursal iyo wafdigiisa, wuxuuna xusay in Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ay yihiin dad walaalo ah maadaama ay yihiin dad wadaaga dhalasho, diin, dhaqan iyo af isku mid ah, isagoo dhinaca kale bogaadiyey dedaalka ay dowlada federaalku ugu jirto soo celinta amaanka dalka iyo adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -