Farmaajo: “Siyaasiyiinta qeylinaya waa shaqo doon, waxay rabaan wixii ay dhadhamiyeen”(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursadaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in mudadii ay jirtay dowladiisa ayuu sheegay ineysan la kulmin xasilooni daro siyaasadeed oo gudaheeda ah, ayna si wanaagsan u wada shaqeeyaan isaga iyo raisul wasaarahiisa taasoo uu sheegay iney kaga duwan yihiin dowladihii ka horeeyey, isagoo xusay sanadka dhiman ay rajeynayaan iney si wanaagsan u wada dhameystaan oo aaney dhibaato siyaasadeed dhicin.

“Waxaa na heysata dhibaato aysan dad badan fahamsaneyn, sanad walba siyaasiyiin cusub ayaa imanaya, afar sano oo kasta kuwii hore waxaa bedela kuwo cusub, siyaasiyiintaas ma tagaan magaalada ayey kula joogan, tiradooda aad bey u badan tahay, haddii aad is tiraahdo 10 ama 20 ka soo bixi kun kale oo careysan ayaa banaanka taagan, idaacadaha iyo baraha bulshada ayey taagan yihiin waa shaqo doon, waxay rabaan wixii ay yaqaaneen oo ay barteen, siyaasiyiinta qaar dagaal ayey ku jiraan, qaarna lugaha iney qabtaan dowlada ayey isku dayayaan si loo yiraahdo hebel waa qeylinayaaye ha loo yeelo maanta, arrimahana waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka heysta dowlada” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.”

Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA & SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -