Imran Khan oo si farsameysan loogu diiday ka qeyb galka doorashada dalkiisa ka dhaceysa

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan iyo xisbigiisa ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya xukuumadda heysa talada Pakistan, waxaana xisbiga Khan laga mamnuucay in ay ka qeyb galaan doorashada dhawwaan dalkaasi ka dhaceysa.

Imran Khan oo horey  xabsi loo dhigay iyo xubnaha xisbigiisa ayaa loo diiday in ay u tartamaan doorashada 8-da bisha Febraayo Pakistan ka dhaceysa, xubno katirsan xisbiga Khan ayaana sheegay in arrimo siyaasadeed loo beegsaday xisbigooda.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan  ayaa xabsi ku jiray illaa bishii August, isaga oo wajahaya dacwado la xiriira dhowr kiis oo uu ku tilmaamay in loo soo abaabulay si looga reebo in uu doorasho ka qeyb galo.

Guddiga doorashada Pakistan (ECP) ayaa soo saartay qoraal ay uga mamnuuceyso Imran Khan in uu ka qeyb galo doorashada dhaceysa, waxa ayna guddiga sabab uga dhigeen doorasho ka reebista xukun dambiyeedka ku dhacay owgiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -