Kooxo hubeesan oo dilay Gudoomiyihii deegaanka Cadeyga iyo kuxigeenkiisa

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in kooxo hubeesan xalay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Cadeyga oo hoostaga degmada Balcad.

Sida aan Wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaana weeraray bar ay joogeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya , waxa ayna halkaasi ku dileen guddoomiyihii deegaanka Cadeyga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan.

Dadka deegaanka ayaana aad uga argagaxy dilka xalay loo geestay labada nin oo masuul ka ahaa deegaanka, waxaana xaalad kacsanaan ah saakay laga soo sheegayaa deegaanka Cadeyga ee xalay dilku ka dhacay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano katirsan Al Shababa weerareen bar koontarool oo kuyaala deegaanka Cadeyga halkaasna ay ku dileen labo askari oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen ciidanka milatariga.

Maamulka Hirshabelle ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu dilay gudoomiyaha deegaanka Cadeyga iyo kuxigeenkiisa, waxaana kusii badanaya weerarada Al Shabaab geestaan deegaanka u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -