Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya madaxdii hore ee dalka iyo Madaxweynaha Puntland oo furmay (Sawirro)

Waxaa goordhaw Madaxtooyada maamulka Puntland ka furmay shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Garawe ka sugan iyo Madaxweynaha maamulka Puntland.

Shirkan oo looga hadayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo marxalada uu hadda dalka marayo gaar aaan wax ka bedelka Dastuurka , waxaana shirka ka qeyb galaya xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ay ugu horeeyaan Madaxweynayaal hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa si weyn uga soo horjeeda wax ka bedelka Dastuurka , xilli la filayo in xildhibaanada labada Aqal dhawaan meel mariyaan wax ka bedelka Dastuurka.

Shirka uga furmay magaalada Garawe siyaasiyiinta kasoo horkeeda wax ka bedelka Dastuurka ayaa la filayaa in ay kasoo saaraan war-murtiyeed ay uga soo horjeedaan in xilligan wax laga bedelo Dastuurka lana meel mariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble: “Dad baa ka shaqeynaya iney carqalad geliyaan doorashada, kamase yeelayno”

Caydiid Ali

Wasiir Fartaag oo booqanaya Baqdaad & Ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Meydka Eng Yariisow oo dalka la keenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---