Golaha Khubarada ee Q/M oo shaaciyay in lacag badan lagu bixiyay Doorashadii lagu doortay..

Golaha Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa warbixin dhoor bog ka kooban oo ay soo saareen waxa ay uga hadleen arimo dhor ah ay kamid ahaayeen hubka sharci darada, canshuurta Al Shabaab qaado iyo musuq maasuq ka dhacay doorashadii Koonfur Galbeed.

Warbixinta ay soo saareen Khuburadan ayaa lagu sheegay in lacag tiro badan ku baxday doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ka dhacday magaalada Baydhabo si loo soo saaro musharax gaar ah oo dowladu wadatay.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in 82-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed la keenay Muqdisho kahor doorashada loona qeybiyay midkiiba lacag dhan 5-Kun Dollar sidoo kale loo balan qaaday lacag u dhaxeysa 20-Kun ilaa 30-Kun oo dollar.

Sida ku xusan warbixintan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa lacagta badan lagu siiyay sidii ay u dooran lahaayeen Musharaxa Dowlada wadatay oo ahaa Madaxeynaha Koonfur Galbeed hada taladeeda haya ee Cabdicasiis Lafta Gareen.

Warbixinta Golaha Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in saraakiil kale oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed lacago badan lagu siiyay doorashadii dhacday.

Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku guuleestay Cabdicasiis Maxamed Lafta Gareen oo wasiir ka ahaa xukuumada Soomaaliya, Lafta Gareen ayaana ahaa ninka ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya ee lacagta badan lagu bixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -