Banaan bax weyn oo lagu soo dhaweenayo Cabdirashiid Janan oo ka socda Baled Xaawo

Degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka socda banaan bax balaaran oo lagu soo dhaweenayo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo heshiis la gaaray dowlada federaalka Soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan degmada Baled Xaawo ayaa isugu soo baxay wadooyinka degmadaasi si ay usoo dhaweeyaan Cabdirashiid Janan oo horey dagaal looga saaray degmadaasi balse ugu dambeyn la heshiiyay dowlada.

Banaan baxa lagu soo dhaweenayo Janan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiinta dowlada ee gobolka Gedo ayaa sidoo kale lagu taageerayaa Maamulka Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa lagu wadaa in uu gaaro degmada Baled Xaawo uu marar badan isku dayay in dagaal ku qabso balse ku guul dareestay, waxa uuna markan tagaya isaga oo heshiis la ah dowladii uu la dagaalayay.

Waxaa sidoo kale la filayaa in degmada Baled Xaawo gaaraan masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya kuwaa oo dhameestiraya heshiiska horu dhaca ah ay gaareen Cabdirashiid Janan iyo dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -