Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia oo talo Muhiim ah usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumada KMG ee Soomaaliya sidoo kale soo noqday Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay sidii shalay loola dhaqmay labo kamid ah madaxdii hore dalka usoo maamushay.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maamulay ay mudan yihiin karamaamo iyo in la sharfo balse ay nasiib daro tahay sidii shalay iyo marar horaba loola dhaqmay .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in wax ka bedesho hab dhaqankeeda siyaasadeed, waxa uuna dowlada kula taliyay in ay dejiso xiisada siyaasadeed ee hada dalka ka taagan.

” Aad ayaan uga xumahay waxii shalay dhacay horeyna u dhacay, Madaxweynayaashii hore waxa ay mudan yihiin in la ixtiraamo , waxa ay soo shaqeeyeen waqti aad u adag , waana nasiib daro sida maanta loola dhaqmayo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa kula taliyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo in dalka hadii shido ka jirto looga baahan yahay in la yareeyo hadii ay yartahayna la baabi’iyo, waxa uuna xusay hadii shidada tahay mid gacantaada ku abuurato iyada kugu soo laaban doonto.

“Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili xiisad siyaasadeed ka dhax jirto Madaxdii hore ee dalka soo maamushay iyo Madaxda hada talada dalka heysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -