Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir muhiim ah oo ka furmay Kuwait

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.

Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay dagaalka ka qarxay Baladxaawo kuna eedeesay Kenya

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay Xeer muhiim ah

Cabdi Cade

Gen. Saadaq Joon oo garab ka helay Farmaajo iyo loolan adag oo ka taagan Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---