Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo galabta ka ambabaxay dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka dhoofay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa ku wajahan Magaalada Paris ee dalka France halkaasoo uu uga qayb galayo shirka madasha Nabadda Paris sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku sii sagootiyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dowlada iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya

Cabdi Cade

Doorashadii Gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare oo lagu kala baxay

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay iscasilaada Guddoomiye Jawaari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---