Shiikh Shariif: “Walaahi waa bixinaynaa dowladda haddii aysan dulmiga joojin”

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney isku dayday carqaladeynta safar maanta isaga iyo madax kale oo mucaarad ah ku tageen magaalada Belad-weyne.

Shiikh Shariif oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in markii hore si aan sax aheyn loogu xanibay garoonka Aadan cadde, markii ay dhoofeena dayuuradii ay la socdeen loo sheegay ineysan degi karin sababo la xiriira roobab biyo dhigay garoonka Ugaas Khaliif oo ka da’ay xalay Belad-weyne, warkaasoo uu sheegay inuu ahaa mid been abuur ah.

“Garoonka markii aan ka dagnay wax biyo ah kuma arkin, boorkiisa ayaa kacaayey, waxaana ku soo degtay dayuuradda aan wadanay mid labo jeer ka weyn taasina waxay tusineysaa beenta la sheegaayey heerka ay dhan tahay” ayuu yiri Shiikh Shariif.

Waxaa uu sheegay in safarka isaga iyo madaxda kale ee madasha xisbiyada qaran ku tageen magaalada Belad-weyne uusan wax siyaasad ah ku saleysneyn, ujeedada ay ka lahaayeena kaliyana ay aheyd iney soo arkaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka walaalahood ah ee ku barakacay fatahaadaha ka jiray magaaladaas, isla markaana gaarsiiyaan kaalmo ay ugu talo galeen, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida ay dowladu ugu tumaneyso dastuurka dalka iyo xoriyada muwaadinka.

Shiikh Shariif ayaa ku dhaartay inay dowlada Muqdisho ka saari doonaan haddii aaney joojin sharciga ay ku tumaneyso.

“Magaaladan Mooryaan ayaa xoog ku heystay waa la bixiyay, Itoobiyaan ayaa heystay waa la bixiyay, Shabaab ayaa heystay waa la bixiyay, maka xoog badan yihiin dadkaan, wallaahi haddii aysan joojin waa bixinaynaa”.ayuu yiri shiikh shariif.

Hadalka Shiikh Shariif oo aad u dheeraa ayaa noqonaya digniintii ugu cusleyd ee uu u jeediyo madaxda dowlada Somalia, waxaana gefafka dowlada iyo hadalada kulul ee mucaaradka ay walaac ku abuureen shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -