Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo abaal-marino gudoonsiiyey ciyaartoy ku guuleystay tartan (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta soo xiray tartanka Orodka gaaban ee Gobolada Puntland oo lagu qabtay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland,

Tartanka oo ah orodka gaaban ee la ordo 5KM waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland oo kaashanaysa HayƔdda UNFPA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, ayaa goobjoog ka noqday bar-dhamaadka tartanka si uu u dhiirigeliyo Orodyahanada oo siday u kala dheereynayeen halkaasi ugusoo kala hormaray.

Tartanka markuu dhamaaday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la hadlay tartamayaasha dhallinyaradii iyo qeybihii kala duwana ee Bulshadii isugu timi xafladda Abaalmarinta Orodyahanada, wuxuu Madaxweyne Deni dhiirigeliyey orodka iyo ciyaaraha oo muhim u ah caafimaadka dadka.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay dhallinyarada kaalmaha hore ka gashay tartanka iyo dhammaan intii kawada qeyb qaadatay, wuxuuna ugu danbeyn shahaadooyin Abaalmarino Lacag iyo Agab isugu jirta guddoonsiiyey 10kii Orodyahan ee ugu sareeyay tartanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo ogolaatay inta badan shuruudihii Xamaas ku xirtay xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

Noole labo farood lahaa oo sanado badan kadib la helay !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---