Yaa iska leh dayuurada aan duuliyaha laheyn ee Milateriga Iran ay soo rideen?

Wakaaladda wararka ee IRNA oo soo xiganaysa saraakiisha Iran ayaa faafisay in Milateriga Iran ayaa soo rideen dayuurad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo mareysay magaalo xeebeedka Mahshahr ee gobolka Khuzestan.

”Waxaa hubaal ah in Dayuuradda la soo riday dal shisheeye laga lahaa, waxaana la helay haraageedii, baaritaan ayaana ku socda”, ayuu yiri Gholamreza Shariati oo ah Mayorka Khuzestan.

Warbaahinta Iran ayaa baahisay in ciidamada ay soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn balse wax faafaahin kama aysan bixin.

Saraakisha iyo warbaahinta Iran ma sheegin dalka laga leeyahay diyaaradda, sidoo kale ma sheegin inay ahayd diyaarad milatari ama mid shacab.

Dowlada Mareykanka waxay sheegtay inysan jirin diyaarad Mareykanku leeyahay oo la soo riday balse Amir Mousavi oo ah diblomaasi hore oo Iran u dhashay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la soo riday ay Israa’iil leedahay taasoo Iran lagu tijaabinayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -