Daawo Sawirada: Guryaha ay ku nool yihiin Afarta nin ee Dunida ugu taajirsan

Raga ugu taajirsan caalamka ayaa kunool nolol raaxo badan ayna ku baxdo malaayiin dollar, waxa ayna maalqabeenadan degan yihiin guryo aad qaali u ah kuna yaala magaalooyin waa weyn.

Sida uu qoray Wargeyska caanka ah ee ka faalooda dadka hantida leh ee The Forbes, waxaa hada dunida ugu taajiirsan maalqaneenada caanka ah ee Bill Gates, Warren Buffett, Jeff Bezos iyo milkiilaha Facebook,Mark Zuckerberg.

Maalqabeenadan ayaa hantidooda lagu qiyaasaa lacag ku dhaw laba boqol oo bilyan oo doolar, waxa ayna kunool yihiin oo guryo waa weyn ku leeyihiin magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka.

1-  Bill Gates, ayaa ah ninka dunida ugu taajirsan, waxa uuna ninkan heestaa hanti gaareysa 81 bilyan oo doolar, hantiilahan ayaa ah milkiilaha shirkadda baanka ah ee Microsoft .

Guriga Bill Gates kunool yahay oo kuyaala xaafadda Medina, ee Magaalada Washington ayaa ku fadhiya lacag gaareysa 170 milyan oo doolar, dhismaha gurigan oo ah mid casri ah ayaa la dhisayay mudo 7-sano ah.

2-Jeff Bezos Worth oo ah ninka labaad ee dunida ugu taajirsan ayaa heesta lacag gaareysa 67 bilyan oo doolar, hantiilahan ayaana ah ninka iska leh shirkadda Amazon ee lagu iibiyo alaabaha dhanka Intarnetka.

Taajirkan ayaa kunool guri qaali ah oo kuyaala xaafadda Medina ee Magaalada Washington. waxaana dhismaha gurigan oo si casri ah u dhisan loona qalabeeyay lagu qiimeeyaa lacag gaareysa 100 milyan oo doolar.

3-Warren Buffett, ayaa ah nin hantiile ah oo maalgashada dhismaha guryaha waa weyn iyo sidoo kale dhulalka, waxaaana ninkan hantida uu xiligan heesto lagu qiyaasaa 65.5 bilyan oo doolar.

Ninkan ayaa kunool guri uu iibsaday sanadkii 1956-dii , waxa uuna guriga hantiilahan kuyaalaa Magaalada Omaha, ee gobolka Nebraska ee Mareykanka, gurigan ayaa lacagta lagu qalabeeyay laguna casriyeeyay lagu sheegay lacag ku dhaw 100-Milyan oo Dollar.

4-Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha shirkada Facebooka iyo WhatsApp ayaa hantiida lagu sheegay 55.5 bilyan oo doolar, taajirkan da’da yar ayaana ku jira nolol raaxo badan isagoona kunool guriga aad qaali u ah.

Taajirkan da’da yar ayaa kunool guri kuyaala Magaalada Dolores Park ee gobolka San Francisco, waxa uu sidoo kale leeyahay guryo kale oo waa weyn, waxaana gurigiisa ku fadhiyaa lacag aad qaali u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -