Jubbaland oo ka hadashay Ciidankii ka goostay kuna biiray Milatariga Soomaaliya

Waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegayay in ciidamo katirsanaa Daraawiishta maamulka Jubbaland ay kasoo goosteen kuna biireen ciidan kale oo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Ciidankan oo tiradooda lagu sheegay in ay ka badan yihiin 200-askari hubeesan ayaa ka baxay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ayma tageen ciidankan xero ay joogaan milatyariga Soomaaliya oo kuyaala degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo ka tagay degmada Balad Xaawo oo gaaray dhinaca degmada Luuq, waxa uuna meesha ka saaray in ciidankaasi ka goosteen.

“Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto”, ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Saraakiisha hogaamineysa ciidankan kasoo goostay maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay ka amar qaataan ayna hoostagaan dowlada federaalka Soomaaliya, waxa ayna xuseen in aysan hada kadib aheyn ciidamo Jubbaland u tirsan kana amar qaata.

Maamulka Jubbaland ayaa xiligan cadaadis xoogan kala kulmaya dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dhinac u dhaxeeya khilaaf xoogan oo lagu guul dareestay in xal laga gaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -